WAJAALE NEWS

Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay laba Eedaysane Oo Loo Haysto Dilka Marxuum Lagu Dilay Deegaanka Cadow-yuurara Ee Koofurta Magaalada Burco.

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysanayaasha kala ah 1-Cabdilaahi Aadan Cigaal Ina Safiya Xasan 20 jir ah 2-Cabdiqani Kayse Hayaan ina Aamina Saleebaan 25jir ah , kuwaasi oo ku eedaysan inay dileen 8-5-2024 kii Marxuum Mustafe Cali Xasan ,Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Cadow-yuurara ee Koofurta Magaalada Burco ee G. Togdheer.

Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Togdheer iyagoo kaashanaya dadweynaha Deegaankaasi , ayaa saaka Abbaaro 10:00 Subaxnimo lagu qabtay deegaanka Naq-dhibiijo ee hawdka Magaalada Burco.

Waxaana dhammaantood Eedaysanayaashaa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL Marka baadhistu dhammaato.

XIGASHO; Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

 

Exit mobile version