WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Booqasho Ku Tagay Taliska Ciidanka Qaranka Jsl Ee Magaalada Oog.

OOG(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ku tagay Taliska ciidamada Qaranka ee Magaalada OOG Ee Gobolka Sool.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Taliyaha aagga Bari Sarreeye guuto Cali Barre iyo qaar kamid ah saraaakiisha sare ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Kulan laba geesooda kadib, waxaa uu Gudoomiyuhu Deeq dawo ah ku wareejiyay Ciidanka, waxaana gudoomay Taliye Cali Barre.

Gudoomiyaha xisbiga UCID, Waxaa socdaalka ku wehelinayay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Xildhibaan Axmed Cali Caynabo

Xoghayaha Duulista Bashiir Xamari, Xoghayaha xidhiidhka golayaasha Yaasiin C.laahi Xaashi iyo Xoghayaha Maaliyadda C.shakuur Muuse Cigaal.

Exit mobile version