HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyay Komishaneer Siciid Maxamed Xaaji Cismaan oo ahaa xubintii Xisbiga WADDANI uu ku bedelay Komishaneerkii is casilay.
Golaha Wakiilada ayaa la filayaa inay u qaadi doonaan codka kalsoonida si uu u guto waajibaadkiisa, una buuxiyo booskii dhinaa ee dhinaca Guddiga Doorashooyinka Qaranka.