WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Xuseen Madar Xoosh (Suleex) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa

TACSI MADAXWEYNE: 26/02/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Baarlamaanka, gaar ahaan golaha guurtida, shacbiga Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xuseen Madar Xoosh (Suleex) oo ka tirsanaa golaha guurtida oo ku geeriyootay shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 25/02/2024, Caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday xeer beegti ah oo kaalin lama ilaawan ah ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa odayaashii guurtida ugu mudada dheeraa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version