WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Gudi Hoosaadyada Golaha!

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golahaasi ka kooban yahay.

Guddoomiye Faratoon, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay 10 Guddi-hoosaad oo Golahaasi Kooban Yahay.

Guddi-hooyaadyada Golaha Wakiillada JSL ee la magacaabay, ayaa kala ah:

1) Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga

2) Guddida Joogtada iyo Anshaxa

3) Guddida Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgelyada.

4) Guddida Shareecada Islaamka, Dhaqanka iyo Qoyska.

5) Guddida Arrimaha Bulshada.

6) Guddida Howlaha Guud, Tiknoolajiyadda, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

7) Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorsheynta iyo Maalgeshiga.

8) Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha.

9) Guddida Kheyraadka iyo Deegaanka.

10) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka.

Guddiyadan ayaa loo Qaybiyey 78 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Mudane ee Golaha wakiillada Somaliland ka kooban Yahay.

HALKAN KA AKHRI MAGACYADA XILDHIBAANADA IYO SIDA AY GUDIYADA UKALA JIRAAN;

Exit mobile version