WAJAALE NEWS

Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Qaarkamid Ah Dugsiyada Hoose Ee Caasimada Hargaysa

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane oo ay weheliyaan Maayirka caasimada hargaysa qaar kamida Agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarasahda ayaa kormeer ku tagay dugsiyada hoose dhexe ee magaalada hargaysa.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd sidii wasaaradda waxbarashadu  usoo indho indhayn lahayd dugsiyada hoose dhexe ee dawlada hoose gacanta ku haysay sannadkii u danbeeyay waxyaabaha u qabsoomay intii ay gacanta ku hayeen dugsiyadan, Maamulayaasha dugsiyada la kormeeray ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay dawlada hoose gacanta ku haysay dugsiyadooda.

Maayirka caasimada hargaysa oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee ay gacanta ku hayeen dawladaa hoose waxaanu maayir ku sheegay in dugsiyadan wax badan laga qabtay mudadii sanadka ahayd.

Wasiirka Wasaaradda wabarashada Dr Axmed Aadan Buuxane oo isagu halkaa ka hadlay ayaa dawlada hoose ee hargaysa ku amaanay waxqabadka balaadhan ee ay ka qabteen dugsiyada mudadii sannadka ahayd ee ay gacanta ku hayeen, waxaana uu kula dardaarmay in ay halkaa kasii wadaan dadaalka

 

Exit mobile version