WAJAALE NEWS

Maxkamad Ku Taala Dalka Turkiga Oo Xukun ku Riday Wiil Uu Dhalay Madaxwaynaha Somaliya

ISTANBUL(W,N)-Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa maanta  xukun labo sano ku riday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasi  oo lagu Helay Danbi ah In uu shil gaadhi ku dilay Wiil darawal mooto Ahaa oo udhashay dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka ayaa isla markiiba loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 oo lacagta Turkiga ah oo u dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Turkiga.

Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu todobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u hortago maxkamadaynta kiiskiisa. Balse xilliga uu xukunka dhacayay ma uusan joogin maxkamadda gudaheeda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa doonayay in wiilka madaxweynaha Soomaaliya lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

Hase ahaatee, xukunka xabsiga oo loo beddelo ganaax lacageed ayaa xilliyada qaar ka dhaca nidaamka garsoorka Turkiga.

Sidoo kale, maxkmaadda ayaa shatigiisii wadista baabuurta ee Turkiga kala noqotay muddo lix bilood ah.

Exit mobile version