WAJAALE NEWS

Dawladda Itoobiya Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Ururka Jaamacadda Carabta!

Adis Ababa(W,N)-Dawladda Itoobiya ayaa Si adag uga soo hor jeesatay bayaankii shalay ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta kaas oo lagu taageeray dawladda Soomaaliya isla markaana lagaga soo hor jeestay heshiiskii kowdii bishan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Afhaayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Ambassador Meles Alem ayaa sheegay in ay diidmada jaamacadda Carabtu ku samaysay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu yahay fara gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Exit mobile version