WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Somaliya Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Nuxurka Kulan Uu la Qaatay Madaxwayne Geele.

JABUUTI(W,N)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo marti-gelinaya shirkan.

Labada madaxweyne ayaa iska waraystay xaaladda gobolka, xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreeyaan arrimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Exit mobile version