WAJAALE NEWS

“Haddii Shalay la Il-duufay Taladii Sool. Waar Hooy, Maanta Yaan La il-duufin Talada Awdal Iyo Selel”Siyaasi Maxamuud Xaashi

“Haddii Shalay la Il-duufay Taladii Sool. Waar Hooy, Maanta Yaan La il-duufin Talada Awdal Iyo Selel”Siyaasi Maxamuud Xaashi

Dadka reer Awdal iyo Selel, waa dad walaalo ah, oo ah deris uu Alle isu dooray. Kuwaas oo aan cidina isu dhaamin, isla markaana wadaaga, deegaanka, daaqa, darka ceelka, duunyada iyo dadkaba.

Baashii bari ee dalku mar haddii ay bel-beshay, ma haboona in baashii galbeed ee inoo bedqabtay, buuq iyo belo laga dhex abuuro.

Waxaan leeyahay, waa doqoniimo iyo damiinimo siyaasadeed, in dalkeenii kasoo doogay (30) ka diraacood, uu maanta u muuqdo mid daadad doc kasta ka galeen, oo ku dhow in uu dumo, amaba dego.

Haddaba, waxaan dadka reer Awdal iyo Selel kula talinayaa, in ay ahaadaan ul iyo diirkeed, isla markaana ay adkeeyaan walaalnimadoodii, iyo wadajirkoodii ay wacadka u lahaayeen.

Dhinaca kale, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, talo waa mar la gaadhi waayo, iyo mar la garan waayo. Bilowgii xilligii ay ka aloosnaayeen gobolka Sool, xurgufaha iyo xiisadda siyaasadeed, waxaan xukuumadda u jeediyay dardaaran aan kusoo ururiyay halku-dhigan: “Xiisadda ka aloosan gobolka Sool, laguma xalin karo, xoog iyo xabad.

Haseyeeshee, waxaa lagu xalin karaa xikmad iyo xirfad keli ah”.

Nasiib darro, waxaan u arkaa, in taladaa xambaarsanayd xogogaalnimada, iyo talooyinkii kale ee ay qoorweynta qaranku soo jeediyeen in aan midna la qiimayn. Talo maroorsigii, is maqiiqii, maamul xumadii, iyo muunayn la’aantii talada mudanka midna laguma macaashin. Allahayow, taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.

Ugu dambayn, hadal waliba hoos leh, ee maantana waxaan uga digayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, in aanay u maamulin, ama u maarayn mushkiladaha ka jira gobolka Awdal si aan maangal ahayn. Taas oo lamid ah, sidii loo maamulay mishkiladihii gobolka Sool. Kuwaas oo madhaxoodii aan la mahadin ilaa maanta.

Allahayow tubta toosan nagu hanuuni.

Qore: Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi.

Exit mobile version