WAJAALE NEWS

Waftigii Madax-dhaqameedka Beelaha Direed Iyo Oromo Dir Oo Booqasho Ku Tagay Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale.

TOG WAJAALE(W,N)-Waftigii Madaxda Dhaqanka Beelaha Direed Iyo Oromo Dir Ayaa Maanta Safar Kormeer Ah Ku Tagay Magaalo Ganacsiyeedka Tog wajaale Ee Xuduuda Somaliland Iyo Etoobiya, Kuwaas Oo Ay Halkaasi Ku Soo Dhaweeyeen Maamulka Degmada Wajaale.

Safarka Waftiga Ayaa Ujeedadiisu Daarnayd Uguur Gelida Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Labada Wadan, iyagoo kulamo La Yeeshay Ganacsatada iyo Iskaashatooyinka Tog wajaale  Kuwaas Oo Ay Ka Wada Hadleen Sidii Loo Hormarin Lahaa Ganacsiga Labada Wadan Ee Ethiopia Iyo Somaliland.

Ugu Danbayn Labada Dhinac Ayaa Isla Qaatay Go’aamo Wax Ku Oola Iyo Inay Labada Dawladood Gaadhsiiyaan Fariimaha Ganacsatada Ee Ah In La Fududeeyo Is Dhexgalka Labada Bulsho Iyo Ganacsigooda.

Exit mobile version