WAJAALE NEWS

Mustafe Ibraahim Abees Oo Caawa Askari Ku Toogtay Xaafada Bada Cas Ee Magaalada Hargaysa Oo Hada Geeriyooday.

HARGAYSA(W,N)-Alle ha,Unaxariistee Mustafe Ibraahim Aadan Abees oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa caawa xaafada  bada cas Ee Magaalada Hargaysa Uu Ku toogtay Askari katirsan ciidamada Somaliland Sida uu walalkii abwaan cabdiraxmaan noo xaqiijiyay kaasi oo xabad wadnaha kaga dhuftay mustafe ayaa saacado kadib ugeeriyooday dhaawaca rasaastii uu ku dhuftay askarigu sida uu sheegay walaalkii Abwaan cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo qoraal ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga.

Majirto wax war ah oo kazoo baxay laamaha amaanka Somaliland oo faah faahin ka bixiyay sobobta keentay dilka wiilkan dhalinyarada ah ee marxuum mustafe abees

Sidoo kale askariga dilkan gaystay ayaa wax xog ah laga hayn In gacanta lagu dhigay iyo in kale.

Wixii kazoo kordha dilka marxuum mustafe ibraahim abees kala soco wararkeena danbe

Waxaanu geerida marxuum mustafe ibraahim abees ka tacsiyadaynayaa qoyska reer Ibraahim Abees, ehel iyo asxaaba Waxaan si gaara uga tacsiyadaynayaa walaalkii abwaan cabdiraxmaan abees samir iyo iimaan walal marxuumkana alle ha,unaxariiste.

Exit mobile version