Horumarku sidiisaba horta waa hannaan dhinacyo badan oo kala duwan leh, horumarka waddana waa geedi socod adag oo ay saameeyaan arrimo badan oo kala duwani. Waxaana muhiim ah in la ogaado in ay dalalku aad ugu kala duwan yihiin hannaadaasi oo dal kastaa uu leeyahay kuwo u gaar ah oo leh caqabado iyo fursado u gaar ah, hannaanka iyo waxa waddan ka shaqeeyaana laga yaabo in aanu ka shaqayn karayn waddan kale, xeeladaha iyo tabaha loo adeegsanayo hannaanka horumarkana waxa uu dal kastaa waafajiyaa duruufaha gaarka u ah waddankaasi.
Geedi socodka horumarku waxa uu qaadan kara sanado badan in laga midho dhaliyo, taasi oo iyana u baahan dadaalo isku dhafan oo dhinacyo kala duwan ah.
Mana jirto qaacido fudud oo la raaco oo aayar uun lagu gaari karo horumar dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyaasadeed, balse waxaa jira dhowr arrimood oo taariikh ahaan la caddeeyey in ay muhiim u tahay horumarinta dal.
Arrimahaas oo ay adduunyadu ka soo markhaati furtay horteen, waxa ka mid ah:
Hogaamiye wanaagsan:
Hoggaamiye aragti dheer , dulqaad iyo adkaysi leh, oo qaadan kara go’aamo adag isla markaasina ogol kala duwanaashaha aragtiyaha bulshadiisa, qancin karana kuwa ka aragtida duwan, dhiirin gelin kara, oo abaabuli kara muwaadiniinta, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah ee dalkiisa si uu u abuuro jawi ku haboon kobac iyo horumar.
Waxaa se aad muhiim ah in la ogaado in hoggaamiyaha wanaagsan uusan kaligii horumar gaadhsiin karin ee u baahan yahay iskaashi ka yimaada dhammaan bulshada qudheeda iyo isku dhego nuglaansho.
Xasilooni siyaasadeed iyo dowlad wanaag:
Maamul wanaag, sharciga oo la dhowro iyo hay’ado cadaalad ah.Dalka ay ka jirto xasillooni darro siyaasadeed iyo musuqmaasuq waxaa hubaal ah in ay ku adkaato in uu gaaro horumar waara.
Kobaca dhaqaalaha:
Siyaasad maaliyadeed oo hufan oo abuuri karta dhaqaale xoog leh oo deggan ayaa ah shardi aasaasi u ah horumarka.
Waxbarashada:
Shaqaale aqoon leh ayaa iyana ah shardi kale oo aasaasi u ah horumarka dhaqaalaha. Waxbarashadu waxay dadka siisaa xirfadaha iyo aqoonta looga baahan yahay inay ka qayb qaataan xoojinta dhaqaalaha.
Cilmi-baadhis iyo hal-abuur: Maal-gelinta cilmi-baadhista iyo xog urririntu waxay horseedi kartaa horumar tignoolajiyadeed iyo korodhka wax-soo-saarka, taas oo muhiim u ah in la gaadho horumar mustaqbal fog ah.
Caafimaadka iyo fayo qabka:
Dad fayo qaba uun baa waxna baran kara , waxna qabsan kara sidaa daraadeed caafimaadka iyo fayo-qabka wanaagsani waa muhiim si loo hubiyo in dadku ay yihiin kuwo wax soo saar leh oo wax ku soo kordhin kara bulshada. Sidaa daraadeed waa muhiim helida daryeel caafimaad, biyo nadiif ah, faya dhowr iyo cunto nafaqo leh.
Kaabayaasha dhaqaalaha:
Kaabayaasha dhaqaalaha oo si wanaagsan u horumaray, oo ay ku jiraan gaadiidka, tamarta, isgaarsiinta iyo biyaha, ayaa muhiim u ah taageerada kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta tayada nolosha dadka.
Diblomaasiyadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah:
In lala macaamilo diblomaasiyadda iyo iskaashiga dalalka kale waxay albaabada u furi kartaa fursado horumarineed, oo ay ku jiraan maalgashiga shisheeye, wareejinta tignoolajiyada, iyo gargaarka.
Ganacsiga:
Ganacsiga caalamiga ahi waxa uu u furi karaa suuqyo cusub iyo fursado uu wadanku u dhoofiyo alaabtiisa iyo adeegyadiisa,taasi oo kicin karta dhaqaalaha.
Helitaanka raasumaalka iyo maalgashiga:
Helitaanka raasamaal, gudaha iyo dibaddaba, waxay gacan ka geysan kartaa maalgelinta mashaariicda horumarinta iyo kor u qaadida kobaca.
Arrimaha dhaqanka iyo bulshada:
Arrimaha dhaqanka iyo bulshada, oo ay ku jiraan diinta, afka iyo luuqada , qiyamka, caadooyinka iyo bulshada, ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara horumarka.
Gebo gebaddiina, aduunyadan seddexaad waxa soo maray tiroba hogaamiyayaal ilaa maanta uu adduunku u qirsan yahay in ay door muhiim ah ka qaateen horumarinta dadlkooda.Waxaan ka mid ah:
Mahathir Mohamad ( Malaysia): Mahathir Mohamad wuxuu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Malaysia labo xilli: markii hore 1981 ilaa 2003 iyo mar labaad 2018 ilaa 2020.
Mahathir wuxuu ku suntan yahay kobaca dhaqaalaha iyo casriyeynta Malaysia. Waxa uu bilaabay mashaariic kor u qaadaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo warshadaha, waxa loo tiriyaa in uu la dagaallamay musuqmaasuqa uuna xoojiyay isbedelada iyo soo celintii kalsoonida hay’adaha iyo garsoorka ee Malaysia.
Nelson Mandela (Koonfur Afrika): Nelson Mandela waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee Koonfur Afrika, waxaanu door laxaad leh ka soo qaatay joojinta midab-takoorka iyo horumarinta dib-u-heshiisiinta qaranka.
Mahatma Gandhi (Hindiya): Mahatma Gandhi waxa uu ahaa nin u ololeeya dagaal la’aanta, waxana uu hogaaminayey dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka Hindiya ee lagaga soo horjeeday gumaystihii Ingiriiska.
Lee Kuan Yew (Singapore): Lee Kuan Yew waxa uu ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay ee Singapore, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah hal-abuurayaashii ka dambeeyay horumarka dhaqaale ee dalka iyo casriyaynta.
Ellen Johnson Sirleaf (Liberia): Ellen Johnson Sirleaf waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Afrika, waxayna ku heshay abaal-marinta nabadda ee Nobel-ka dadaalkeeda ku aaddan adkeynta nabadda iyo xasilloonida Liberia kaddib dagaalladii sokeeye.
Luiz Inácio Lula da Silva (Brazil): Lula, sida loo yaqaan, wuxuu ahaa madaxweynaha Brazil, waxaana lagu tiriyaa inuu gacan ka geystay dhimista faqriga iyo kordhinta xasilloonida dhaqaale ee dalka.
Paul Kagame (Rwanda): Kagame waxa uu door muuqda ku lahaa horumarka Rwanda tan iyo markii uu xukunka qabtay 2000. Intii uu hogaaminayay Rwanda waxa ay samaysay horumar dhinacyo baddan oo kala duwan leh sida kobaca dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, nabad iyo xasilooni siyaasadeed, digitization , daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, iyo qaar kale oo badan.
Iyo weliba qaar kale oo badan.
Waloow ay duruufaha JSL ahaayeen qaar qalafsan, haddana waxa la odhan karaa shantii hogaamiye ee soo marayba taariikhdu wey xusi doontaa.
Waa aragtidayda.
QALINKII; Maxamed Yuusuf Bidhiidh (Badda)
Malmö, Sweden.