WAJAALE NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Musharixiinta Reer Gabiley Ee Utartamayay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye!

GABILEY(W,N)-Tan iyo Intii la shaaciyay Shir waynaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa waxaa soo Ifbaxay Tartanka loogu jiro gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga oo uu Banayn doono Gudoomiye kuxigeenka xiligan wasiir maxamed kaahin kaasi oo Noqon doono gudoomiyaha xisbiga kulmiye dhawaan, kaasi oo isna banyan doono madaxwayne biixi.

Hadaba tiraba 4 siyaasi oo reer gabiley ah ayaa shaaciyay in ay usharaxan yihiin gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye kuwaasi oo kala ahaa wasiirka isgaadhsiinta iyo technolajiyada dr cabdiwali sheikh cabdilaahi, Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, siyaasi faysal cumar madar, Iyo siyaasi xuseen Aadan Cige “Dayr”

Siyaasiyiinta aynu magacyadooda korka kusoo sheegay oo dhamaan isku beel ah gaar ahaan “Beesha jibriil abokor” ayaa waxaa arintooda loo saaray gudi odoyaal iyo aqoonyahan isku jirta oo beesha Ah kuwaasi oo mudo todobaad ah ufadhiyay sidii ay xal ugu heli lahaayeen midaynta damaca beesha iyo sidii loo kala reebi lahaa siyaasiyiinta leh hanka gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye.

Gudida kala saaraysay siyaasiyiinta usharaxan gudoomiye kuxigeenka kulmiye oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Gabiley ayaa iskugu yeedhay xubnahan damaca leh kuwaasi oo Wadatashi iyo shirar ay la qaateen kadib lagu kala reebay halka qaarkamid ah musharixiintii intii aanay gudida hor iman ay ka tanaasuleen musharaxnimadoodii.

Ugu danbay waxaa shirkii lagu kala reebayay siyaasiyiinta usharaxan gudoomiye kuxigeenka kulmiye lagu soo gabo gabeeyay In siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar looga hadho Tartanka gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, Islamarkaana uu noqdo musharaxa beesha, halkaasi oo dhamaan siyaasiyiintii damaca lahaa ay ku tanaasuleen kuna  aqbaleen taladii gudida beesha.

Talaabadan ayaa muujinaysa isku duubnimada iyo midnimada beesha jibriil abokor oo markii ugu horaysay doonay hogaanka xisbiga kulmiye oo mudo dheer ay ka ahaayeen taageerayaal.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

Exit mobile version