WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Baabiley Madaxda Haayada EUCAP!

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye  Ayaa Saaka Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Haayada EUCAP Waxaanay Taliyaha Iyo Madaxda Haayadu Si Wadajir Ah U Dhagax Dhigeen Dhismaha Cusub Ee Balladhaantinta Gidaarka Xeradda Ciidanka Islmarkana Qalab Ku Wareejiyey Taliyaha:-

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Ahmed Hure Haariye Libaax Ayaa Xafiiska Ku Qaabilay Madaxda Ugu Saraysa Haayada EUCAP Waxaanay Si Wadjir Ah Takiyaha Iyo Madaxda Haayadu  Si Rasmi Ah U Dhaxdhigeen Dhismaha Cusub Ee Kordhinta Iyo Ballaadhinta Xeradda Gidaarka Ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhulkaasi Lagu Kordhinayo Gidaarka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Ee Maanta La Dhax-Dhigay Ayaa Waxa Ku Deeqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas  Nuux Ismaaciil Taani .

Madaxda Hayada (EUCAP) Ayaa Sidookale Saaka  Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL Ku Wareejisey Qalab Iyo  Tiro Kooban Oo Computerada Gacanta Ah Kuwaas Oo Taliyuhu Si Rasmi Ah Ugu Wareejiyey Saldhigayada Ciidanka Iyo Xafiisyada Kala Duwan Ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Exit mobile version