WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha DDS Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Oo Kamid Ah Madaxdhaqameedka Somaliland.

JIG JIGA(W,N)-Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalia Mudane Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed oo kamid ah Madaxdhaqameedka Waawayn ee Somaliland, kaasi oo maalmihii udanbaysay safar ku joogay caasimada Ismaamulka somalida ee Jig Jiga.

Dhanka kale Suldan Ismaaciiil Cabdiraxmaan oo kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland iyo Dabcan deegaanka somalidaba ayaa madaxwayne mustafe Cumar uga mahad celiyay, sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyay, isagoo sheegay in ay madaxwaynaha kala shaqayn doonaan xidhiidhka labada bulsho ee walaalaha ah.

Exit mobile version