AHN Madaxwaynihii Hore Maxamed Ibrahim Cigaal Ayaa laga Hayaa “nabadgelyadeenu waxay ku xidhan tahay inan yar oo Qori sita”. Maanta khilaafka Sool waxa ka halis badan khilaafka Doorashooyinka. Horta doorasho aan sadexda xisbi isla ogolayn oo dalka ka qabsoomi kartaa ma jirto doorasho la isla ogol yahayna ma jirto. Taasi saw ma noqonayso ma jirto doorasho dalka ka qabsoomaysaa? Oo kolkaa sidee xaal noqonayaa? Wuxu noqonayaa madaxwayne la doortay waxa bedeli kara Madaxwayne la doortay iyo doorasho la’aan.
Somaliland sidaa ma ku sii wada joogi kartaa mise waxa tegi dhan walba ha lagu qado eh dheglay ku shub. Xaaladda Sool saw markaa ma noqon karto Xaydba La Ilow iyo ka dar oo dibi dhal. Allah ha inoo sahlo dadka aan arkayaa in dhaw mooyee in dheer waxba kama sii arki karaane.
Qore; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”