BOORAMA(W,N)-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga ayaa kormeer ku maray Goobaha ay ka socoto bixinta kaadhka Cod bixinta Doorashada ee Deegaanada Hoos taga gobolka Awdal gaara ahaana Dilla iyo Goraya-Cawl.
Weftiga ayaa ka xaal waraystay hawlwadeenada qaabka ay u socoto qaadashada Kaadhka Codbixintu.
Dhanka kale Hogaanka Xisbiga ayaa bulshada gobolka Awdal ugu Baaqay inay Qaataan kaadhka cod bixinta.