WAJAALE NEWS

Daahfurka Shirkada Saamilayda Ee Roob Roon Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa!

HARGAYSA(W,N)-Shirkada Saamilayda Ee Roob Roon ayaa maanta lagu daahfurmay magaalada hargaysa taasi oo ay kazoo qaybgaleen masuuliyiin xukuumada ka socday beeralaya dalka qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkada saamileyda ee roob roon ayaa ah shirkad maalgalin kusamaynaysa beeraha iyo wax soo saarka.

Gudoomiyaha Guud ee shirkada Roob Roon Cabdiraxmaan Sh, Axmednuur Odowaa ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyay aas aaska shirkadan Iyo qaabka ay maalagalinta usamaynayso Beeraha.

Dhanka kale wasiirada wasaarada Maalgashiga iyo beeraha Somaliland ayaa soo dhaweeyay shirkadan iyo adeegyada ay bulshada Ugu Maalgalinayso beeraha taasi oo ay uxuseen in baahi wayn loo qabay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version