WAJAALE NEWS

“Dagaalkii Uu Iclaamiyay Ina Garaad Cali (Gala Dagaalka) Ilaa Hadda Guul Muxuu Ka Hayaa?”Siyaasi Cali Guray.

CAQLIGU HA SHAQEEYO!!

Dagaalkii Uu Iclaamiyay Ina Garaad Cali (Gala Dagaalka) Ilaa Hadda Guul Muxuu ka Hayaa? Magaalada Laascaanood miyay Mahadisay mise way eeday go’aankiisii GALA DAGAALKA?.

Waxan filayaa in la gaadhay xiligii ay xisaabtami lahaayeen reer Laascaanood. Sua’aasha malyuun doolarka ahi waxay tahay LAASCAANOOD MIYAA LOO SOO GURMADAY MISE WAA LAGU SOO DUULAY, sidii uu sheegay Janaral Mahad Cambaashe?

Sida aynu og nahay haday tahay dhimasho iyo dhaawac, burbur iyo barokac khasaarihii dagaalka 90% wuxu ku dhacay reer Laascaanood. Intee in le’eg ayay reer Laascaanood diyaar u yihiin in uu sii socdo khasaaraha ay ku keliyaysteen? Goorma ayaa la fili karaa in magaalada Laascaanood ay dib ugu soo noqon doonto xaaladeedii caadiga ahayd?

Waxa Qoray Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali guray)-

Exit mobile version