WAJAALE NEWS

“Waxaan Ku Leeyahay Wasiir Toornoow Daa,uud Uu Joogayaaye Waxba Haku Godoboobin”Xildhibaan Jamaal.

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Jamaal oo katirsan golaha wakiilada somaliland ayaa si adag ua soo horjeestay xilka qaadis uu wasiirka waxbarashadu ku sameeyay gudoomiyihii xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud axmed faarax oo uu sheegay in uu yahay masuul xafiiska imtixaanaadka ka dhigay mid bulshada reer Somaliland ku kalsoonaato

Sidoo kale xildhibaan Jamaal ayaa eedo culus ujeediyay wasiirka waxbarashada Somaliland ku eedeeyay in uu yahay masuul ku sifoobay musuq maasuq ujeedada uu daa,uud xilka uqaadayna ay tahay mid uu ku doonayo in uu musuq maasuqo xafiiska imtixaanaadka islamarkaana uu baabiinayo mustaqbalkii ardayda Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version