HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah Maxamuud xaashi Cabdi ayaa ku Baaqay in loo baahan Yahay in arinta Gobolka Sool lagu eego muraayad cad iyo talo miisaan isagoo sheegay in Xukuumada Madaxwayne Biixi hagratay mudo dheerna ku eegaysay muraayad madow iyo siyaasad madhalays ah isagoo Arimahaasi ka hadlayana wuxu Yidhi:
“Sool Waa In lagu Eego Muraayad Cad, iyo Talo Mug leh.
Waxaan Aaminsanahay, In Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Ay muddo dheer ku eegaysay gobolka Sool, muraayad madaw, iyo Siyaasad madhalays ah.
Sidaa darteed, mar haddii aynu aragno madhaxii arrintaa, maanta waxaa lagama maarmaan ah in lagu eego, muraayad cad iyo talo mug leh, oo aan lagu madiyeyn maamulka jira .