WAJAALE NEWS

Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Beeniyay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyay Iyo Fariinta Uu Udiray Dadka Ku Mashquulay!

Hargeysa(W,N)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar qortay oo sheegayay in ciidamo hubaysani ay xafiiskiisa ku weerareen.

Wasiir Koore ayaa sheegay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoro, isla markaana aanay dhibaynin, balse markasta qaraabada iyo asxaabtiisu ay ka murugoodan oo ay run u qaataan, isaga oo beeniyay wararka maalmihii u danbeeyay qaar kamid ah warbaahinta baraha bulshadu faafinaysay.

Waxaanu yidhi.”Mar ay yidhaaahdan waa la weerayay iyo mar ay yidhaahdan wuu is casilay, subax kasta oo aan soo kaco war ayaa la ii sheegaa, markaa dad badan oo ku yaqaana ayuu dhibaya warka beenta ahi, oo u qaadanaya run, waxan leeyahay waxa ay sheegayaan waa waxba kama jiraan”

Warbaahinta wararkan baahisay ayaa sheegtay in ciidamo ka gadoodsan askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka cadhaysan dagaalka sii soconaya.

Exit mobile version