WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jabuuti Oo Cadeeyay Sida Uu Dalkiisa Uga Soo Horjeedo Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland!

“Waxaanu Noqon Doonaa Dalka Ugu Danbeeya Ee Somaliland Aqoonsada”Madaxwayne Geele.

JABUUTI(W,N)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada hadii uu caalamka kale aqoonsado.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay jariirada afka Faransiiska ku baxda ee Jeune Afrique, ayaa la waydiiyay hadii ay qorshaha ugu jirto in uu aqoonsado Somaliland-ta 32 sanno jirsatay, wuxuuna ku jawaabay in dalkiisu uu noqon doono ka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsi siiya.

“Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada, maxaan u doonaynaa in aan dhibaatooyin kale uga abuurto xuduudahayaga?” Ayuu yidhi Madaxwayne Geelle.

Sidoo kale  Madaxwayne Geelle ayaa intaa ku daray in uu saaxiib la yahay dhamaan madaxda gobolka isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Madaxda gobolku waa saaxiibadayo, waxaananu la leenahay xidhiidh nabadeed, sida xidhiidhka aanu Soomaaliya la leenahay, kala duwanaanshuhu waxa weeyaan in Soomaaliya tahay waddan federal ah, oo aanu madaxbannaanidiisa dhuleed ixtiraamayno” ayuu yidhi Geelle.

Dawlada Jabuuti ayaa waxay kamid tahay dalalka dhowrka ah ee xafiisyo dibulumaasiyadeed ku leh Somaliland, lakiin waxa la sheegaa in madaxweyne Geelle aanu marnaba ku niyad samayn aqoonsi la siiyo Somaliland, sida ay ku doodaan siyaasiyiin caan ah oo reer Somaliland ah.

Exit mobile version