WAJAALE NEWS

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Sanaag Oo Kormeer Ku Tagay Beeraha Wax Soo Saarka Ee Ku Teedsan Degmada Ceerigaabo!

Ceerigaabo-(W,N)-Isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa Maanta kormeeray Beeraha ku teedsan Degmada Ceerigaabo.

Kormeerkan oo ay isku-duwaha ku wehelinayeen qaar ka mid ah Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Sanaag, ayuu Isku-duwe Axmed ugu kuur-galay Beeraha ku dhow degmada Ceerigaabo, si uu Xog-ogaal ugu noqdo, si markaa dib Wasaaraddu Beeruhu ay Beeralayda uga taageerto wixii ay u baahan yihiin.

Isku-duwaha iyo Hawl-wadeennada la socday, ayaa intii kormeerka ku jireen waxay War-bixino ka dhegaysteen qaar ka mid ah Beeralayda.

Isku-duwaha ayaa Beeralayda u sheegay inay Wasaaradda Beeruhu diyaar ula tahay wax kasta oo ay uga baahdaan, sida Tababbbarada Beeralayda, Sumaha lagaga hor-tago Cayayaanka waxyeeleeya wax-soo-saarka.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Sanaag oo uu dhawaan xilkan u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa bilaabay dedaal uu Dadweynaha Sanaag ku wacyi-gelinayo ahmiyadda Wax-soo-saarka, maaddaama oo qorshaha Wasaaradda Beeruhu yahay in dalku uu isku filaansho ka gaadho dhinaca cuntada.

Exit mobile version