WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Waxgaradka Iyo Odoyaasha Magaalada Laascaanood.

LAASCANOOD(W,N)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Laascaanood Odayaasha iyo Waxgaradka mid ka mid ah beelaha Gobolka Sool.

Kulanka uu Guddoomiye Khaliif la yeeshay Waxgaradkan iyo Odayaashan, ayaa la xidhiidhay dedaallada nabadeynta ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu u joogo Laascaanood, waxaanay si guud uga wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Magaalada iyo sidii loo xoojin lahaa, nabadeynteeda la iskaga kaashan lahaa.

 

Exit mobile version