JIG JIGA(W,N)-Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalida mustafe Muxumed Cumar “M,. Cagjar Ayaa qoraal Uu KU Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga sheegay in aan la ogolayn in ay deegaanka ka hawlgasho saxaafad aan haysan ogolaasho sharci ah.
Sidoo kale madaxwayne cagjar ayaa eedo culus ujeediyay dad usheegay in ay saxaafada magaceeda sitaan oo aan masuuliyad saarin islamarkaana ka gudbaya xuduudku uu leeyahay suxufiga isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;
“Waxa Ishaa Inoo Yeelay Waa Saxaafad Xoogsata ah. Waynu wada ognahay hab-dhaqankii Idaacadaha iyo Tilifiishinadda Soomaalidu aadka u taqaan maalmihii madoobaa ee xukuumaddii dad-qaladata aheyd shacabka kadeedaysay. Waxaynu u baahan nahay saxaafad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo Iyadoo gudcur dam ahna tidhaa waa cadde; iyadoo cadde ahna tidhaa waa gudcur 15 Ah.
Maanta saxaafadda ugu muhiimsan aduunku waa baraha bulshadda. Cid rabta inay Afkaar gudbiso iyo cid rabta inay afkaar khilaaftaba waa goob u furan oo 24 saac, wixii jira iyo waxaan jirinba lagu soo bandhigo. Deegaanka waxaa ka jira xorriytul-qawl dibbro-dhacsaday oo kolkol xorriyatul-fowdadba Aad Moodo.
Hase ahaate, magac suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaanka lama ogola. Suxufigu waa ka runta iyo beenta shacabka u kala saara; cod u noqda dulmanaha; taageera wixii bulshadda u dan ah; diida wixii dulmi ah. Ku Aragtidiisa la xidhiidha Wanaaga iyo xumuhu ay ku xidhan tahay kolba cidda jeebkiisa ka Warhaysa, Suxufi Maaha ee waa suxufi-ceebays ubaahan in la baro Anshaxa suxufinimadda.
Iyadoo sidaa tahay ayaa hadana ka xoogsanaya laftigiisa la ogol yahay inuu hawlgalo balse ay tahay inuu u hoggaansamo qawaaniinta meesha uu ka hawlgalayo lagaga dhaqmo. Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela kama jirto aduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyadd. Xorriyad ayna la socon masuuliyad waa fowdo.