“Runtii waxyaabaha qaar marka aan maqlo waxa aan moodaa in Aan riyoonayo , sinaba suuragal uma aha in Djibouti wax la dooneyso jamhuuriyada Somaliland waxaana aan ku cadeynayaa;
1-Dalka jamhuuriyada Djibouti waa dalka ugu mudan marka arimaha soomaalida dhexdeeda laga hadlayo ee keeni lahaa xal jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia ku kala baxaan , ma muuqdo.
2-laga soo bilaabo 1991 kii dalka jamhuuriyada Djibouti waxa uu u qabtay dib u dhiska dalkii soomaaliya ilaa 7 shir oo dib u heshiisiin iyo dawlado loogu dhisayey soomaaliya, marnaba may xusin in jamhuuriyada Somaliland gaar ka tahay kuwaasi hore…ku noqo taariikhda.
3-Danaha istaratijiyadadeed ee jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Djibouti ayaa ah qaar aad isaga hor imanaya marka aad eegto bugcadaha ay labadan dal ku yaalaan ( Geostrategic positions ) iyo hirdanada kaabayaasha dhaqaale ee ka dhexeeya labadan dal.
Haddaba hadii ay run noqoto in jamhuuriyada Somaliland ay Djibouti taageero u tahay waxa aan aaminsanahay in ay noqon doonto aqoonsigii jamhuuriyada Somaliland ayaa miiska saaran waxaana dhici kara in wax badan uu ogaaday hogaanka Djibouti sidii dhacday 2012.
Sanadkii 2012kii shirkii London oo dawlada ingiriiska oo xog-ogaal u ah arimaha Geeska Africa ay wadeen waxaa lagu daray qodobadii shirkaasi ka soo baxayey in Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawlada kumeelgaadhka soomaaliya ay wadahadlaan , waxaa markiiba afkooga looga hor maqlay madaxweynaha Djibouti iyo Malez oo ahaa labada dal ee jaarka.
Waxaa haddaba dhowaan soo baxday in dawlada maraykanku u aragtay jamhuuriyada Somaliland dal u muhiim ah danaha maraykanka waxaana si cad loogu xusay xeerka difaaca maraykanka ee NDAA .
Dhanka kale waxaa jira dhaqaaqyo ay wadaan mudaneyaasha danaha maraykanka ee arimaha dibada iyo difaaca oo isugu jira labada xisbi ( bipartisan) in ay u arkaan in jamhuuriyada Somaliland la aqoonsado.
Dhinaca kale jamhuuriyada Somaliland oo aan aduunku waxba badan tarin ayaa loo arkaa in ay ku kaliyeysatay dagaalka la dagaalanka argagixisada oo miisaaniyada dalka jamhuuriyada Somaliland ku baxdo 35% in ka badani amniga maadaama ay xuduud la leedahay;
1-Dalka soomaaliya oo burburay hoyna u noqday argagixisada caalamiga ah .
2-Yemen oo burburtay oo dagaalo kala duwani ka socdaan sidoo kalena kooxaha xagjirka ahi xarumo waaweyn ku leeyihiin iyo xoogaga dalkaasi ka dagaalama oo u arkayey in dawladaha gobolku iska raaceen.
Markaa Jamhuuriyada Somaliland waxa ay xuduud 700km ah la leedahay dalka Ethiopia oo 90% ay gacanta ku hayso jamhuuriyada Somaliland.
Sidoo kale dalka Djibouti ayey jamhuuriyada Somaliland la leedahay xad 160km ah oo gabi ahaanba sugan xag amni iyo xag maamulba.
Waxa jira 300km oo jamhuuriyada Somaliland xad la leedahay soomaaliya oo inta badan aanay jamhuuriyada Somaliland xuduudka joogin oo meesha ay ugu dhowdahay ay u jirto 60 km ,waa khatarta iyo halista ugu weyn ee jamhuuriyada Somaliland mudo dheer cukeys ku haya.
Marka arimahani laga yimaado waxa soo baxay sawir siyaasadeed dhowaan muuqday oo Xasan Sheekh Maxamuud, Geelle iyo Biixi kuwada jireen oo lagu fasiray siyaad loo bixiyey ( irirsm policy ) oo aad afka loogu hayo.
Isku soo wada xoori waxaa xaaladaha Laas-caanood soo saareen awoodaha jamhuuriyada Somaliland iyo heerka ay ka taagan tahay mandaqada Geeska Africa marka laga yimaado wax badan oo gudaha dalka ka taagan oo aan wanaagsanayn.
QALINKII; Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”