WAJAALE NEWS

Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Wafti Uu Hogaamiyo Oo Kormeer Ku Tagay Goobaha Diwaangalinta Ee Gobolka Maroodi Jeex!

HARGAYSA(W,N)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Duqa Caasimadda Hargeysa Md. Abdikarim Ahmed Mooge oo ay ku weheliyaan Ku Xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Hargeysa iyo Siddeed ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Waxa ay  koormeer dardargalin ah ugu baxeen  goobaha ay ka socoto isdiwaangalinta qaadashada Kaadhka Cod bixiyayaasha Somaliland ee Degmooyinka D’-da ah, ee  hoos yimaada Gobolka Maroodi-Jeex.

Waftigan oo Affarta Maalmood ee soo socda iskugu mari doona Degmooyinka kala ah: Degmada Daara-salaam, Degmada Laas-geel oo ay sii hoos timaado (Dacar-budhuq), Degmada Cadaadlay, Dacarta, Sabawanaag, Balli-mataan iyo Farawayne.

Ujeedada Koormeerkan ayaa daaran sidii loogu wacyi galin lahaa dhamaan Muwaadiniinta dagan Degmooyinkaas, sidii loo xoojin lahaa in qof kasta oo muwaadin ahi u qaadan lahaa Kaadhka Codbixiyaha.

Exit mobile version