DHulbahante waa Beel Somaliland ah, dhulkeeduna waa Somaliland oo labadaba Ilaahay (SWT) ayaa ku abuuray. Dhulbahante waxay is-dhal iyo nololba wadaagaan dadka Somaliland oo oodi Ab ka dhow. DHulbahante waxaa uu runtii ku kacay wacad-furo xidhiidh ah oo aan iyaga iyo beelaha kale ee Somaliland midna dan u ahayn kuwaas oo kala ah:
[I] WACAD-FURKII KOWAAD: Samankii kelitaliye Siyaad Barre madaxweynaha u ahaa Jamhuuriyadii Somalia (1969-1990) dabadeed uu nacayb qabiil awgeed Isaaq kula kacay dulmi iyaguna ka gadoodeen wuxuu mideeyay Beeshiisii guud oo daabka iyo awoodda dawladnimada gacanta ku haysay waxaana duulaan lagu qaaday Isaaq oo shacab ahaa. Waxaa Isaaq loo arkay inuu ahaa cadow lid ku ah dawlad ay u arkayeen in iyagu leeyihiin. Duulaankaas weyn ee is-bahaysiga qabiilka guud oo ka kala yimid Somalia, Somaliland, Somali Galbeed iyo N.F.D waxaa Isaaq loogu geystay xasuuq, dumin magaalooyinkii waaweynaa shacabkii oo ku jira iyada oo hubka waaweyn noockasta iyo diyaaradaha dagaalka la adeegsanayo, tacadiyo iyo barakicin aan taariikhda Somalida hore u soo marin kana baxsanaa Islaamnimada iyo Insaaniyadda intii u dhaxaysay 1984-1989. Dhulbahante wuxuu ahaa Reer Waqooyi ay degaan iyo nololba wadaagaan dadka Isaaqa. Isaaq ma jeclayn inuu ka qaybgalo duulaankaas sababta oo ahayd waxaa uu u arkayay dad ay ehel ahaayeen oo aan kala maarmin sidaas awgeedna aan is-baabi’in isu quudhin. Arrnitaasu waxay ahayd WACADFURKII KOWAAD oo aan laga filayn la yaabse ma lahayn oo Somalidu waxay aaminsantahay qabyaalad Diinta Islaamka ka xoogweyn.
[II] WACAD-FURKII LABAAD: Markii dalka laga xoreeyay Taliskii Siyaad Barre 1991, Beelaha Somaliland waa is-wada cafiyeen. DHulbahante wuxuu ka qaybgalay Shirarkii Beelaha Somaliland waxaanu oggolaaday in dadka Somaliland la soo noqdaan madaxbanaanidoodii iyo dawladnimadoodii ay qaateen June 26, 1960. Dhawr sano kadib, Dhulbahante waxaa galay guux qabiil waxayna ka soo horjeesteen dawladii Somaliland ee la wada dhistay iyaga oo nacayb aan loo hayn u qaaday Somaliland. Waxay aasaaseen Jabhad lagu magaaabo SSC oo degaanada magaceedu muujinayo aanay wada lahayn si ay Somaliland ula dagaalamaan una kala gooyaan dalka iyada oo qabyaaladu ka tan badisay aayaha noloshooda kuna wacadfuray cafiskii iyo dawladnimadiiba. Arrinkaasu wuxuu noqday WACADFURKII LABAAD ee Beesha Dhulbahante ku samayso Somaaliland.
[III] WACAD-FURKII SEDDEXAAD: Kadib dhibaatooyin badan oo cadowtinimo ah oo Maamulka Majeerteen kula kacay Beesha Dhulbahante iyaga oo xoog ku haystay magaalada Laascaanood ayaa waxaa qasab iyo waajibba ku noqday Xukuumadda Somaliland inay dadka iyo magaaladaba Somaliland ka xorayso Maamulkii Puntland sannadku markuu ahaa 2007. Samankaas Laacaanood waxay ahayd magaalo dhexe oo dadkeedu ku noolyihiin nabadgelyo xumo iyo dulmi, dadku is-dilaan, dhismo iyo horumarba loo diiday. Kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood, nabadgelyadii waa soo noqotay, waxaa muuqday mustaqbal ifaya, magaalada waxaa la geshay mashaariic badan oo leh caafimaad, biyo, waxbarasho, wadooyin iwm, ganacsigii iyo dhismihii wuxuu u soo noqday si weyn arrimahaas oo Laascaanood u suurtogeshay inay aad u fido oo la tartanto magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Horumarka iyo nabadgelyada ay gaartay Laascaanood waxaa sabab u ahayd xukuumada Somaliland oo aaminsanayd inuu xil wadaninimo ka saaranyahay nabadda iyo horumarka dadkeeda iyo dalkeeeda. Maanta sidii oo kale qabyaaladda ayaa ka xoog weynaatay danta iyo aayaha Beesha Dhulbahante oo la gelinsiiyay inay dawladda Somaliland u arkaan maamul qabiil oo cadow u ah oo ay la dagaalamaan, oo dad ku dhintay, horumarkii Laascaanood gaadhayna in badan la burburiyay iyaga oo raba maamul ay isku qabiil yihiin sida Puntland. Allah Ha u Naxariisto Cali Khaliif Galaydh intuu noolaa wuxuu yidhi: “Majeerteen waa cadow raba inay Dhulbahante qoorta kaga joogaan weligood.” Tanuna waxa weeye WACADFURKA SEDDEXAAD ee Beesha Dhulbahante ku kacdo. Dhulbahante waxaa uu ku kacay 3daas wacadfur iyaga oo aan loo hayn wax cadaawad ama nacayb ama xumaan ah oo weliba la jecelyahay. Somaliland waa jiraysaa, Somaliyana ku noqonmayso ee Dhulbahatow durbaanka qabiilka ee marba madaxa la soo kacaya ee la idinku kicinayo diida oo inta toosan ee Beeshiina ah kana fakaraysa aayaha iyo mustaqbalka Dhulbahante iyo ta ummadaba raaca sababta oo ah waa inoo wada dan. Ogaada WACAD-FURKA badan waa lagu jabaa.
Laga soo bilaabo sannadkii la aasaasay Somaliland wuxuu Maamulka Puntland dhegaha ugu shubayay Beesha Dhulbahante in Isaaq necebyahay oo gumaysto, waxaana beentaas ka dhashay rabshadaha ka dhaca Magaalada Laascaanood iyo dilal lagu khaarajinayo madax iyo saraakiil taageersan una shaqaysa dawladda Somaliland oo hadana lagu eedeeyo xukuumadda Somaliland inay ka dambayso iyada oo la ogyahay inaan dawladi gacanteeda isku burburin.
ARRINTA XUDUUDAHA
Xuduudaha Afrika, Caalamka Carabta iyo Aasiya waxay ku dhisanyihiin dhulka, kuma dhisna abtirsiimo ama isir. Qabaa’il badan oo Afrikaan ah ayaa qabiilkasta kala deganyahay dhawr dal oo Afrikaan ah taas oo ku salaysan qaabkii gumaysigu u jeexay xuduudaha. Shirkii Qaaradda Afrika ee la qabtay 1964 ayaa soo saaray Baaq caddaynaya inaan xuduudaha Afrika ee gumaysigu jeexay la bedelikarin si Qaaradu uga nabadgasho qabaa’il isku daya inay midoobaan gumaysigii kadib taas oo Qaarada Afrika u horseedilahayd fawdo iyo dagaalo qabaa’il oo aan dhammaan laguna hoobto, dumiyana dawladaha Qaaradda Afrika. Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika waxay ku xidhantahay ixtiraamidda, aqoonsiga iyo ilaalinta xuduudihii gumaysiga. Sidaas daraadeed, lama bedelikaro xuduudihii gumaysiga sababta oo ah dalna ma aqbalayo in la kala gooyo dhulkiisa. Xuduudaha gumaysiga ayaa qeexaya dhulka, dadka, gobonimada iyo aqoonsiga dalkasta oo Afrikaan ah. Sida aan dawladda Somaliland u sheegankarin dhulka Isaaqa, Dhulbahantaha iyo Samaroonka ee ka tirsan Itoobiya ayaan dawlad kale ama maamul kale u sheegankarin isir ama hayb ahaan dhulka Beelaha dega Somaliland. Dhulka Somaliland lama kala goynkaro, Xuduudaha Somaaliland lama bedelikaro.
KA QAYBGALKA DAWLADNIMADA IYO HORUMARKA
Dhulbahantow xaq ayaa u leedihiin ka qaybgalka dawladnimada iyo horumarka dalka. Waa run oo madaxweynayaashii iskaga dambeeyay Somaliland waxaa muuqata inay horumarinta dalka xoog saareen Gobollada Galbeedka Somaliland taas oo ah arrin aan fiicnayn. Ummad waxaa mideeya, nabadgelyo siiyo, horumar u keena, kalsooni dawladeed dadka ku abuura waa cadaaladda. Inaan Sool sidii la rabay u helin horumar waxaa idinla qaba Sanaag iyo Togdheer. Burco waxaa weli ku yaal garoonkii diyaaradaha ee Ingiriisku ka tegay oo boodhku ka kacayo, waxaa burbursan gudbiyihii magaalada Burco (Bridge). Sanaag maanta waxaa ka horumarsan Sool. In kasta oo aan dalka weli la aqoonsan hadana xukuumadihii iskaga dambeeyay waa leeyihiin dhaliil waase wax la sixikaro. Danta guud, aayaha iyo mustaqbalka la hiigsanayo waa in loo wada samraa.
W;Q;-Ibrahim Hassan Gagale