WAJAALE NEWS

ILeen Qof Baahani Ma Dhargo ! By:- Sacad Hassan Nour

Taasina waxa ay tilmaan u tahay calamdaha baahida, waayo qofka baahani ma diido wixii la siiyo, hadaba waxa ay ila eeg tahay

Maalin walba waxa aad maqalysaa wax aanay maskaxdaadu qaadi karayn, waxa maalmahan danbe inagu cusbaa in ay golaha wakiilada Somaliland samaysteen xeer hosaad ay isku maamulaan, waayo xaq bay u lahayeen in ay samystaan , hadaba maanta waxa aan donayaa in aan wax yar ka taabto sheekada ka socota golaha baarlamanka somaliland .

waxa jirta sheeko odhanaysa , ILeen Qof Baahani Ma Dhargo !

hadaba baahida iyo dhibaatada iska soo daba noqotaa waxa ay ku keentaa in qofka Adamaha ahi in uu ku Qanco wax kasta oo lasiiyo .

Waxa dalkeena ka nool dad baahan, dad kaas oo ku nool magaaloyinka waa wayn ee dalkeena,  dad kaasi  waxa ay subaxda hore usoo kicitimaan dhinaca suuqa iyaga oo ka yimaada

goobaha ay dagan yihiin, waxa ayna socod ku soo maraan  dhamaan meheradaha magaalada ku yaal, waxa laga siiyaa subax kasta lacag lacagtaasi maaha wax badan lakin iyagu way ku qancaan , hadana sidii si leeg ayay maalinta kalena dib ugu soo noqdaan iyaga oo filaaya in lacagtii lasiinayo waana la siiya intii ay uga barteen , maxaa yeelay waa dad baahan jawaabna kama soo celiyaan ,

Taasina waxa ay tilmaan u tahay calamdaha baahida, waayo qofka baahani ma diido wixii la siiyo, hadaba waxa ay ila eeg tahay in baahidu meel kasta dalkeena maanta gaadhay , sababto ah waxa maanta meel kasta aad ka maqlaysaa xildhibanadii lacagbaa lagu baa yacay hadana dib ayaa logu kor dhiyay lacagtii,  makala dhacaanbaan u malynayaa ninka masuulka qaran ah ee qadanaaya lacagta Laaluushka ah , iyo ta subax kasta ku soo kalahaysa meherada ee aan subaxna quusanayn .

hababa maanta golaha wakiiladu waxa uu u muuqadaa qaar dalka iyagu ku haga wadada musuq maasuqa iyo laaluuska Tusaalena u noqday, waxaana cadayn u ah in uu maanta goluhu laba u kala jabaan, waayo kuwii shalay u codeeyay xeer hosaadka baarlamanka ayaa  maanta lacag soo qaatay oo leh waxa aanu ridaynaa godoomiyaha baarlamaanka .

Hadaba arinkani marka la yimaado dhadhan xumadiisa waa mid quus gelinay shacabwaynaha doortay golaha wakiilada Somaliland, madaxdii u sarayasay ay noocaa tahay miyaanay ahayn ku quuso qudhaanjo.

By:- Sacad Hassan Nour

Exit mobile version