Qofku hadii uu Allah (swt) iyo rasuulkisaba Rumeysan yahay dee waa inuu Allah(swt) ka baqdaa taas uun baa nolosha wanaagsan sal u ah.
Maqaalkaygan kooban waxaa aan dirada ku saarayaa tartanka dhaqaale ee ka soo ifaya qaybo ka mid ah degaanada Somaliland ee ku saabsan arimaha deeganada iyo kala sheegashada, khayraadka dalka ,iyo cida masuulka ka ah,hunguri weynaanta shaqsiyaadka qaarkood,sida loo xalinkaro,dhibatada ka dhalan karta iyo sababaha saldhiga u ah xoogaysiga falakankan.
Aqoonkasta, Ubadaka,Xaska, tolka iyo dhaqaale kasta oo aad lee dahay waxba kugu tarimayaan, maalinta la qaawan yahay balse waxaa kaliya oo ku caawinayaa waa camalkii wanaagsanaa ee aad soo sameysay oo keliya maalmihii noloshaada aduunka.
Qofku hadii uu Allah (swt) iyo rasuulkisaba Rumeysan yahay dee waa inuu Allah(swt) ka baqdaa taas uun baa nolosha wanaagsan
sal u ah.
Maxaa hadaba maanta la gudboon umada reer Somaliland. Ma hawl yara su’aashan ka jawaabideedu marka si sax ah oo daacad ah looga jawaabayo,laguna dabaqayo wakhtiga iyo wax yaaabaha taagan.
a) Dhanka Siyaasada
Somaliland siyaasadeedu waxay soo martay marxalado kala duwan,iyo isbedelo kala gedisan, dagaaladii sokeeye iyo xasuuqii siyaad bare ka dib Somaliland wax garadkeedu waxay go’aansadeen inay dib u soo nooleeyaan Somalilandtii hore ee 26 June 1960 ka qaadatay xoriyadeeda boqortooyadii Ingiriiska (UK).Tani waxay ahayd go’aan ama talo la asiibay balse duruufo dhaqaale,qorshe la’aan, iyo dhinaca wacyi gelinta, abaabulka,sugida nabada,kala dambeynta iyo sharci ku soo celinta meelihii iyo xafiisyadii ay baneeyeen maamulkii mudada dheer ka talinayey ayaa keentay in nadaamkii faraha ka baxo. Tani waxay keentay in dagaal sokeeye iyo ku taratan awooda dalka ee siyaasintii dalka bilaabanto,waa la ogaa khasaarihii ka dhashay.
Ma jirto siyaasad meel iska taagan oo aan lahayn fikirka maangalka ah,qorshe,iyo fasamo cilmiyeed lagu xardho si loogu guuleysto ka midha dhalinta hadafka siyaasadeed ee qaranka.
Si loo helo siyaasad oo ah maamul waa in la helaa hogaamiyihii ku hubaysnaa aqoonteeda iyo kalkaaliyayaashii ku caawin lahaa,arintan waxaa sal dhig u ah maskax furni,diyaar ahaansho,waayo arag, Daacadnimo,wadan jacayl.
Qofka masuuliyada dalka lagu aminayaa hogaaminteedu waa in uu ahaada qof garanaya shaqadiisu waxay tahay tani waa mid aad u adag marxaladaha qaarkood balse waa ta loo bahan yahay in jaranjarada siyasadeed ee hogaanka dalka loogu duceeyo dadka aqoonta,garashada,iyo naxariista, daacadnimada u ehelka ah.Siyaasada guul ka gaadhi mayno inta la gees marayo runta,ee aynu wadano mashqaca reernimada,qabyaalada,xinka,iwm.
Waxaa jira xisbiyo siyaasadeed dalka hadana waa kuwo aan waxba ku kala duwaneyn mabdi iyan, waa kuwo ringi reernimo lagu aslay,waa kuwo siyaasadoodu fadhiid tahay,wakuwo dimoqradiyadoodu hooseyso.
Waa kuwo aad moodo in ay ka fikirayaan uun kursiga iyo sidii ay uga mid noqdaan uun haygalka sare ee dalka.Citiraaf waxba ka may qaban,Isku xigdhka bulshada waxba ka may qaban,tacliinta waxba kamay qaban,Abaaraha waxba kamay qaban.Dhaqaalaha oo qudha wax qabadku maa aha, talada,wacyi gelinta ,Isdhexgelka bulshada, iska warhaynta ,abaabulida munaasabado ciyaareed,sida ciyaaraha dhaqanka kuwa sportiga iyo doodaha aqoon aqoon isdhaafsiga kuwaas oo dhan waa wax qabad mudan in laga qayb galo.Sidani ma aha mid wadanka dhaqaysa. Waa in xisbiyadu noqdaan kuwo la falgala bulshada oo si toosa iyo si dadbanba uga muuqada bulshada,u danqanaya dadkooda jilicsan,leh higsi sare.
Siyaasinimadu ma aha majaajilo iyo maaweelo wakhtiyada la dherego lagu kaftamo,balse waa biseyl,aqoon,dhaqan,dhaqaale iyo agabka loogu sahaminayo bulsho,qaran ama qowmiyado si cadaalad ahna loo gu maamulayo dhamaan qanimadaha wadankooda ee tooska aha ama dadbanba siyaasigu waa qaybiyaha waxtarka ah ee agaasimaya dhamaanba araimahaa aynu soo sheegnay.
Dhinacyada hogaaminta ee arimaha siyaasada waxa aynu u baahan nahay in aynu u cugano shaqsi siyaasi ah oo somalilander ah,balse uma baahin waa doorkii reer hebel doorkani ee kaanu idin horgeeno qaato,Reernimo waa laan ka mid faracyada geedka weyn ee qaranka Somaliland geedkaasi waxa lagu aamini karaa keena ugu haboon ee Waraabkiisa,Ilaalintiisa,Xanaaneyntiisa,Midhaha uu bixiyo qaybintiisa,dawaaweynta dhaawacyada soo kaaga, balse mid laan keliya oo geedka ka mid ah si gooniya ugu sid burinaya oo uun ka fikiraya geedkiina kala qaybinaya oo habeenba laan geedka ka mida la faqaya ma aha siyaasiga qarankan gaadhsiin kara hadafkiisa,xitaa laantaa geedka ka mid ah buu geedka intiisa kale ka takoorayaa, si aanay ula wadaagin biyaha ciida,macdanta uu geedku u baahan yahay si uu u baxao oo uu u noqdo geed jira qarankani wada hadhsado si isku mid ah. kala soco maqalkayga qaybihiisa dambe haddii ALLAH(swt) raali ka noqdo………………………..
Waad Mahadsantiin
M J Farah
Ind.Political analyst and writer