WAJAALE NEWS

Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ku Eedeeyay In Uu Awood Sheegasho Iyo Qabyaalad Kula Kacay Qoys Agoon Ah Iyo Fariinta Ay Udireen Madaxwayne Biixi.

“Waxaanu Umadda Somaliland Usheegaynaa In Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Ee Cadaalada Iyo Dastuurka Laga Sugayaa In Uu Marayo, Heer Reer Wacays Ah”Waxgaradka Gobolka Gabiley. Oo Sita Fiinta Uga Qayliyay Cadaalada Darada Aadan Xaaji Cali.

GABILEY(W,N)-Qaarkamid ah Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada gabiley ayaa eedo culus ujeediyay gudoomiyaha maxkamada sare ee jsl Aadan xaaji oo ay sheegeen in uu qoys agoon ah kula kacayo dul, cadaalad daro iyo eexaysi qabyaaladeed Odoyaasha.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo waramay dacwada qoysan agoonta ah ee Ilma cabdiqaadir ee gudoomiyaha maxkamada sare isagu hortaagan yahay in uu soo boxo ga,aankiisii iyo hirgalinta heshiishkii ay soo wada qorteen labada nine walaalaha ee iyagu sida look ala qaadayo hantidan ku heshiiyay

Sidoo kale Cuqaashan iyo odoyaasha ayaa sheegay in udoomiye aadan dacwadan uhortaagan yahay gabadh ay isku jufo hoose yihiin oo uu dhaxal si sharciga baalmarsan uu doonayo in ay wax uga hesho.

Dhanka kale odoyaashan ayaa madaxwaynaha jsl ugu baaqay in uu waxka qabto gudoomiye aadan xaaji cali/

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version