WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha DDS Oo Lalayeeshay Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Iyo Arimaha Uu kaga Hadlay!

JIG JIGA(W,N)-Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si waafi ah uga hadlay tacaddiyadii hadda ka hor ka dhacay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in guud ahaan tacaddiyo kala duwan ay ka dhaceen degaanka gaar ahaan xilligii xukuumaddii isaga ka horreysay ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay inay jiraan guddi la aasaasay oo loo xil saarey inay soo baraan tacaddiyaddii iyo dhibkii kala duwanaa ee hadda ka hor degaanka ka dhacay, balse waxa uu sheegay guddidaasi inaysan wali shaqadoodii billaabin.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu uusan wakhti xaadirkan ku jirin qof tacaddi horey uga gaystay degaanka Soomaalida ” Cid kasta oo aanu is lahayn dambiyo ayay galeen oo dadka degaanka ayay dhibaato u gaysteen nidaamka dowliga kuma jiraan waanuna ka saarnay”, ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhanka Kale Madaxweyne Mustafe Cagjar  isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay jiraan dad kamid ah xukuumadda degaanka Soomaalida oo la leeyahay tacaddi bay gaysteen, kuwaas oo wali wax Aan wax dambi ah lagu soo eedayn, Islamarkaana  aan Wax caddaymo buuxa Ah lagu haynin, sidaas darteedna aan la iska soo xidhii karin waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cafjar.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in cid walba oo tacaddi loo gaystay ama qof dhibaato ka sheeganaya, inuu helayo caddaalad dhammaystiran maadaama hay’adaha garsoorka ee degaanka wax badan laga badalay.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA MADAXWAYNE MUSTAFE;

 

Exit mobile version