RIYAD(W,N)-Hay’adda Guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay Go’aan Farxad leh oo ku saabsan in xayiraadii laga qaaday Hilibka Xoolaha Soomaalida ee loo soo dhoofin jirey Boqortooyadda Sacuudiga.
Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday Xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay Hilibka iyo Xoolaha Geela, Lo’da iyo Idaha laga keeni jirey dhulka Soomaalida.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo Qoraal ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ee Caafimaadka Xoolaha (المنظمة العالمية للصحة الحيوانية), si loo qaado Xayiraadii Xoolaha Soomaalida saarnayd.
Dhanka kale, Rugta Midowga Ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan Rugaha Ganacsiga iyo Macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in Xayiraadii laga qaaday Soomaalida.