WAJAALE NEWS

Siyaasi Bookh Oo Farta Ku Fiiqay Cida Dabada Ka Wada Shirka Ceel-bardaale Iyo Nuxurka Xujo Uu Hordhigay Xildhibaan Yaxye Araarse!

“Yaxye Araarse Muu Noqon Mid Kaalintii Uu lahaa Kasoo baxa Oo Reerkii Mideeya”Siyaasi Bookh

GABILEY(W,N)-Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh oo kamid ah siyaasiyiinta jsl Gaar ahaan gobolka gabiley ayaa ka hadlay shir qaybo beeshiisa kamid ahi ku qabsanayaan deegaanka Ceelebardaale kaasi oo Uu sheegay In beeshu ku kala qaybsan tahay.

Sidoo kale siyaasi bookh ayaa xildhibaankii ay tartameen doorashadii golaha wakiilada ku eedeeyay in halkii uu reerka midayn lahaa uu kala qaybin bilaabay.

Dhanka kale siyaasi bookh ayaa casuumad ufidiyay xildhibaan Yaxye Araarse, wuxuna sidaasi kusheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Anigo Ah Maxamed Cabdilahi Jaamac Bookh ahaa Musharaxii Golaha barlamaanka ee Maroodi-jeex laakiin nasiibku Imuu siin Inaan ku Gulaysto, Waxa hada laga jooga Doorashadii sanad iyo Badh, Mudada intaa Le’eg XILDHIBAANKA soo baxay Yaxye Araarse Muu Noqon Mid kaalintii Uu lahaa ka soo baxa oo reerkii Mideeya,

Waxaanad Mooda In Isagu yahay Xildhibaanka waayay, oo markaan Madalaha iskaga soo hor baxno Aniga ayaa ka Calool Fayoowbaa Salaantana kaga horeeya, Xataa Wuxuu Xildhibaanku awoodi Waayay in Maalin kaliya Shirkaa uu Waday Fadhiyadii uu qabananay ee Gabiley uu Bookh hotel ku Qabto,

Hadana Waxaad ogaydeen in Xildhibaanku uu lahaa hawlo kale oo heshiisin laba nin oo Kale oo xaafada ah ayaan heshiisiyay, anagoo og Cida hawsha iska lahayd.

Hadaba Maadama Isagu Garan Waayay Waxay ila noqotay inaan Anigu Casuumadaa Xildhibaanka u Fidiyo ee haka soo Qayb galo, Maadama Uu Garan waayay Siday hawluhu u kala horeeyaan Reerkiina awoodi Waayay inuu Mideeyo Maantana shirkii uu Sheegay Reerkii ku sii Kala Qaybsamay.

Siyaasada waa lagu kala duwanaan kara ee Reenimada hala ilaaliyo.

Waxay Qoray; Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh.

Exit mobile version