WAJAALE NEWS

Ciidamada Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqaymo Ay Ka Fuliyeen Gudaha Somaliya Ku Dileen 27 Kartirsan Kooxda Al shabaab!

MUQDISHO(W,N)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay Meel ku dhow Degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, 18-kii Sebtembar ee Todobaadkaan.

War qoraal oo maanta kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu dilay 27 katirsan dagaalamayaasha Ururka Alshabaab.

Marayanka wuxuu sheegay inuu duqayntan ku taageerayeen Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dadka Deegaanka oo dagaal kula jira dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay duqayntan inay tahay mid ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ka caawinaysa inay dagaalka horey Usii wadaan.

Ma jiraan wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaadhay howlgalkan sida ay ciidamada AFRICOM ku sheegeen qoraalkoogan.

 

Exit mobile version