BOORAMA(W,N)-Hal Qof Ayaa Ku Dhintay Hal Qof Oo Kalena Wuu Ku Dhaawacmay Roobab Dabaylo Wata Oo Shalay Galinkii Danbe Ka Da’ay Magalada Borama Iyo Deegaano Hoos Yimaada.
Robabkaasi Ayaa Sidookale Sababay Dhimashada Xoolo Tiro badan, Burbur Soo Gaadhay Dugsi Kuyaala Degaanka Camuud Iyo Afar Ceel Oo Biyaha Looga Qaado Magaalda Borama.
Masuliyiin Uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Oo Ay Kamid Ahayeen Madaxda Shirkada Biyaha Borama Ee Shaba Iyo Isudawaha Wasarada Biyaha Gobolka Awdal Ayaa Soo Kormeeray Samaynta Ay Robaabkaasi Ku Yesheen Deegaanka Camuud Ee Bariga Borama.
Masuliyiintani Oo Madashaasi ka Hadlay Ayaa Tacsi U Diray Ehelada Marxuumka Geeriyooday Roobabkaasi.