WAJAALE NEWS

“Maayar Cabdikariim, Khilaafka Siyaasadda In Uu ka Dhawrsado Oo Aanu Si Cad Uga Dhex Muuqanin, Waxa Ku Jirta Dantiisa Iyo Danta Bulshada”Cali Guray.

“Gudoomiyaha Golaha Degaanka Caasimadda, Cabdikariim Axmed Mooge anigu waan la haystaa. Hawshii bulshadu u igmatay wuu hayaa dadaalna kuma yara Ilaahay ha ku gargaaro eh.

khilaafka Siyaasadda In Uu ka Dhawrsado Oo Aanu Si Cad Uga Dhex muuqanin waxa ku jirta dantiisa iyo danta bulshada caasimadda. Hadii uu siyaasadda ku dhex milmo saw hawsha uu hayo dhulka inu dhigo ama laga dhigo maaha? Markaa xaalkiisu laba naf dhawkaa ha ahaado eh daaya. Ilayn waa halkii AHN Hadraawi yidhi:

DHUKU WUU SANQADHAYAA

CAGTA SAARI MAYNEE

SOCODKEENU XEEL IYO

HA AHAADO LABA SUUL.

In dawladda dhexe ay isku dhacaan inta uu iska banbaanin karo ha iska banbaaniyo. Waa sax loomana qaadan karo maaha ama wuu ka soo horjeedaa xisbigii uu ka soo baxay ee WADDANI. Kuwa ku haystaana way ka gardaran yihiin.

Waxan kula talibayaa hayso waddada wayn ee danta bulshada aad u adeegaysaa ku jirto wadiiqooyinkana iska jir

Qalinkii; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray)-

Exit mobile version