HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa maanta furay Shir lagaga hadlayey sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta kadhaxaysa HQBQ iyo hay’addaha Ka shaqeeya ilaalinta xuquuqaha dadka nugul sida dadka Barakacayaasha, Qoxoontiga iyo magangelyo Doonka ah.
Kulanka Ayaa ka qabsoomay xarunta HQBQ waxana kasoo qayb galay madaxda sare ee HQBQ, Lataliyaayasha hay’adda iyo masuuliyiin kasocday badiba hay’adaha kashaqeeya arrimaha dadka nugul ee kusugan gudaha JSL.
Sidoo kale shirkani Ayaa waxa la isla gartay in markii ay xaalad deg deg ahi ku timaado dadka Barakacayaasha ama Qaxoontiga ah si wadajir ah HQBQ iyo Hay’addahu u booqdaan goobta wax ka dhaceen soona saaraan warbixin wadajir ah si meesha looga saaro warbixinaha isburinaya ee aan saxda ahayn.