WAJAALE NEWS

Munaasibada Shaacinta Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub Ee Curad Oo Lagu Qabtay Magaalada Boorama Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay.

BOORAMA(W,N)-Urur Siyaasadeedka Jiilka Cusub ee Curad Ayaa maanta la lagaga dhawaaqay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama taasi oo xaflada lagu shaacinayay ay kazoo Qaybgaleen siyaasiyiin,waxgaradka ,dhalinyaro iyo haween.

Waxaana ugu horay sharaxay ujeedooyinka loo aas aasay urur Siyaasadeed Curad Gudoomiyaha Ururka cabdirshiid xasan Mataan.

Sidoo kale waxaa munaasibadan hadalo ka jeediyay xubno kale oo ururka kamid, siyaasiyiin iyo aqoonyahan kuwaasi oo muujiyay sida loogu baahan yahay urur siyaasadeed ka duwan kuwa haatan dalka ka jiro asxaab iyo kuwa cusubna isagoo ku dheeraaday waxyaabaha uu kaga duwan yahay iyo sida ay shacabka reer Somaliland ugu baahan yihiin xisbi lawada leeyahay balse aanu qof gaar ahi ulahayn taasi oo lagaga bixi karo wacyiga siyaasadeed ee dalka ka jira iyo qabyaalada.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version