WAJAALE NEWS

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Bandhigga 15-aad Ee Buugaagta Hargeysa.

Hargeysa-(W.N)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay bandhigga 15-aad ee Buugaagta Hargeysa  ee Hargeisa International Book fair oo maanta si rasmi ah uga furantay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa dhallinyarada reer Somaliland ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan akhriska iyo qoraalka, isaga oo madaxda hawshan gacanta ku haysana ku bogaadiyey dedaalkooda.

 

Exit mobile version