Mulkiilayaasha ururada waxaad moodaa in tartanka ay isu diyaariyeen uu yahay orodka 100ka mitir ah oo lagu kala badiyo ilbidhiqsiyo 8 ilaa 10 ilbidhiqsi (second). In tartanku Marathon 42Km ah yahayba meesha soo may dhigan. Bal hadda ta ka dhex dhacda iyaga iyo ciddii ku tidhi waa one hundred mitir dhaash waaba loo wada joogi. Wuxu rumaysan yahay mulkiilaha urur siyaasadeedka cusubi in lix bilood gudahood uu xisbi ku noqon karo uu isagu gudoomiye iyo musharax madaxwayne ka yahay. Sanad wax ka yarna wuxu arkaa isagii oo madaxwayne ah. Hadii Allah kama dhigo eh tiisa loo raaco Somaliland waxay qarka u saaram tahay in dib aanay doorasho dambeba uga qabsoomin. Laakiin la yaabi maayo oo waxa keliya ee u muuqda ee damiciisu yahay ay kursi ah, damacuna qofka wuu indho tiraa. Markaa mulkiilayaasha sida gaarka wax loogu yidhi aniga xagayga waa indhoolayaal hadaan ayaanay ka daadan doonaane bal hadda iga qora. Waar yaa run u sheega oo ku yidhaa mulkiilow HA KA DHICIN SALAAMADA QAAR LAGU SIGTAA JIRA EH.
Hadii aan doonayo in anigu aan urur furto aan anigu mulkiilihiisa noqdo HALGAN magaciisu muu noqdeen ee Dayax ama Cirjiidh iyo waxa aan doono ayaan ula bixi lahaa. Halgan qof ma yeesho ee dad baa wada yeesha ku midaysan wax ay wada aaminsan yihiin.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray”