WAJAALE NEWS

“Shalay Dadka Mudo Haraadka Samaynayay Waxba May Shiidaynin, Waxna May Rabshaynin Ee Bilayska Ayaa Weerar Ahaa”Prof Cabdi Cali.

“Qof Siyaasi Ah Oo Masuul ah Layskama Xidhi Karo Ee Waxaa La Xidhayaa, Qofka Tuuga Oo Wax Samaynayay, Waana Sharci Daro Xadhigooduye Aniga Kaalaya Oo Ixidha”Prof cabi cali.

HARGAYSA(W,N)-Prof Cabdi Cali Jaamac Oo ah Gudoomiyaha Urur Siyaasadeed Cusub Ee Daljir ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo banaan bixii ay sameeyeen xisbiyada mucaaridku iyo qaabkii Ay ciidamada boolisku ula dhaqmeen shacabkii halka ay ka xidh xidheen siyaasiyiin xisbiyada mucaaridka ah katirsan oo qaarkood Jeelka madheera loo dhaadhiciyay.

Sidoo kale siyaasi cabdi cali ayaa sheegay in booliska looga baahan yahay in ay dadka udhexeeyeeb basle aanay amar siin karin wasaarada arimaha guduhuisagoo xusay in dadkii mudo haraadayay aanay samaynayn wax rabshad ah balse la arkayay booliska oo weerar ah.

Dhanka kale prof siyaasi cabdi cali ayaa sharci daro ku tilmaamay in mudo haraadka loo diido xisbiyada mucaaridka islamarkaana aanu madaxwaynuhu siduu doono udhaqmo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version