WAJAALE NEWS

Sedexdii Xubnood Ee Udanbeeyay Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Iscasilay!

HARGAYSA(W,N)-Sedexdii xubnood ee ugu dambeeyay guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi, sida ay ii xaqiijiyeen Illo-xogogaal ah.

Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.

Tani waxay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay.

Exit mobile version