Hargeysa-(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid.
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah. Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda.
Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.
Waxaana Madaxweynaha Qaranka shirka ku wehelinayey
- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed
- Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud
- La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde
- Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere
Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:-
- Suldaan Xasan Xaddi Baade
- Suldaan Maxamed Cabdi Xasan
- Suldaan Salmaan Axmed Maxamed
- Suldaan Maxamed Muuse Nuur
- Suldaan Cawil Faarax Shire
- Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi
- Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud
- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
- Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
- Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
- Caaqil Xasan Muuse Cabbaas
- Suldaan Axmed Xasan Jaamac
- Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre
- Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre
- Suldaan Cismaan Baane
- Suldaan Axmed Daahir Muuse
- Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad
- Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan
- Suldaan Axmed Aw Cali
- Suldaan Cali Jaamac Galaal
- Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
- Suldaan Cabdillaahi Maxamuud
- Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise
- Suldaan Abshir Maxamed Ducaale
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL