WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Xisbiga Ucid Ee Gobolka Sool Oo Caawa Dablay Hubaysani Ku Dishay Magaalada Laascanood

LAASCANOOD(W,N)-Gudoomiyihii xisbiga Ucid Ee Gobolka Sool Ayaa caawa Dablay Hubaysani ku Dishay Gudaha Magaalada Laascanood Xili uu ku gurigiisa kusii socday.

Alle Ha,unaxariistee Marxuum Maxamed Axmed Faarax (Aflahar) Ayaa kamid Ahaa Haldoorka Gobolka Sool isagoo Hore Usoo   noqday xubin kamid ah Golihii hore ee deegaanka Degmada Laascaanood.

Sidoo Kale Wararka Aanu Ka Helayno Dilka Marxuumka Ayaa Sheegaya in Dablaydii Dilka Gaysatay Ay goobta ka Baxsadeen.

Dilalka lagu beegsanayo Haldoorka Bulshada gobolka Sool ayaa marba marka ka danbaysa sii Badanaya kuwaasi ilaa hada aanay jirin CID ay xukuumada Somaliland usoo Qab qabatay.

 

Exit mobile version