WAJAALE NEWS

Safiirka Dalka Norway Oo Booqasho Ku Tagay Magaalo Madaxda Gobolka Sool Ee Laascaanood.

LAASCANOOD(W,N)-Wafti ay hogaaminayso safiirka dalka Norway ee somaliya iyo Somaliland ayaa booqasho ku tagay magaalo madaxda Gobolka sool ee laascaanood,halkaasi oo ay kulamo kula qaadatay badhasaabka gobolka sool iyo laamaha kale ee dawlada.

Dhanka safiirka dalka Norway ayaa socod lug ah ku dhexmartay magaalada laascaanood.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim xaaji diiriye ayaa ka warbixiyay ujeedada waftigan iyo arimaha ay ka wada hadleen.

“maanta waxa gobolka sool soo gaadhay Wefti ay hogaamineyso Safiirada Norway u qaabilsan Somaliland marwo Heidi Elburgi Johansen.

kulan soo dhaween ah ayaan kula qaadatey Xafiiska oo ay igu wehelinyeen gudida nabadgelyada ee gobolka,waxaana ka wada hadalney horumarka nabad galyada gobolka .

Safiirada iyo Weftigeeda ayaa socod lug ah ku maray wadada Badhtamaha ah ee magaalad Laascanood, iyagoona kormeer ku tagay xarunta Dawlada Hoose ee degmada Laascanood, Xabsiga dhexe ee Gobolka Sool

Waftigan ayaa kulamo la qaadatay Madax-dhameedka iyo bulshada gobolka Sool.

intaasi Kadib waxaan hoyga ka daganahay magaalada ugu sameeyey hadhimo sharafeed Weftigan ay hogaamineyso Safiirada Norwey u qaabilsan Somaliland

Gudoomiyaha Gobolka sool

Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.

 

Exit mobile version