HARGAYSA(W,N)-Marwo Haboon Cabdi oo ku magac dheer (haboon laanta bari) oo dhawaan lagu xidhay magaalada hargaysa islamarkaana markii la siidaayay baraha bulshada lagu baahiyay in dalka laga mastaafuriyay iyadoo lagu eedaynayo in ay hore warbaahinta ugu baahisay hadalo ay kaga soo horjeedo Somaliland ayaa beenisay warar kaasi ismarkaana sheegtay in aanay ahayn qof laga mastaafuriyo Somaliland balse ay tahay qof udhalatay cid ay ka mastaafuriso mooyeen aan cidna mastaafurinaynin.
Marwo Haboon laanta bari ayaa sidoo kale sheegtay in ay aaminsan tahay in ay Somaliland leedahay islamarkaana uu yahay dalkeedii hooyo iyadoo sheegay in ay Somaliland utimid sidii ay ugu noolaan lahayd iyo amaan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;