WAJAALE NEWS

“Ciidamadda Qalabka Sida Ee Qaranka Jsl, Waxa Aan Uga Digayaa In Ay Ku Milmaan, Murranada Siyaasadda Ee Xukuumadda Xilkeedu Sii Dhammaanayo Ay Dalka Ka Waddo”Musharax Cirro.

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa markale ka hadlay xaqa uu dastuurku muwaadiniinta usiiyay in ay banana baxyo sameeyaan ay ku cabirayaan dareenkooda,

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa ciidamada kala duwan ee  qaranka Somaliland uga digay in ay ku milmaan siyaasada kuna shaqeeyaan amarada xukuumada waa sida uu hadalka udhigaye xilkeedu sii dhamaanayo.

Musharax Cabdiraxmaan cirro ayaa sidaasi ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba.

Ciidamadda qalabka sida ee Qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo.

Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo #13November2022.

Exit mobile version